Jaaliyadda Ogadenia ee Bariga Afrika oo shir ku yeeshay magaalada Nairobi ee Dalka Kenya(sawirro)

Filed under: Wararka |

03-02-2013:DSC03603 Shirweyneha oo  ay isugu yimaadeen  dad aad u tiro badan  oo kasoo jeeda jaaliyaadda Ogadeniya ayaa waxaa looga hadlayay isku duubnaanta shacabka Ogadenia si ay hal meel uga soo wada jeedsadaan  ladagaalanka gumeysiga  Eithopia  .

Kumanaan qof oo soo xaadiray madasha  ayaa waxa ay si weyn u taageer sanaayeen  Jabhadda Wadaniga Xoreynta Ogadenia ee ( JWXO) waxaana halkaasi lagu soo bandhigay  Suugaan wadani ah iyo khudbado qiirad geliyay kaqeyb galayaasha .

Hal kudhiga shirkani ayaa ahaa kasamrinta gumeysiga Ethopia uu  ka helo Bariga Afrika waxaa na halkaasi lagu soo bandhigay heeso iyo  gabayo katurjumaya muhiimadda ay leedahay xurriyadda  iyo waajibaadka jihaadka lagula jiro ciidamada gumeysiga iyo wayaanahooda.

Ayan Carab  oo kamid ah suugaan yahanadii munaasabadda kasoo qeyb galay ayaa iyadoo ilmaynaysa tirisay hees cajiib ah oo ka hadleysa sida ay u kala wanaagsan yihiin kuwa u halgamaya dhiiga shacabka Ogadenia iyo kuwa  dabo dhilifyaasha gumeysiga .

Sidookale Fanaan Kamaal ayaa tix gabay ah kucabiray  ujeedada wayaanaha iyo Ethopia iyo sida ay uga soo horjeedaan   xornimada Dhulka Ogadenia  isagoona dadka ku baraarujiyay in ay si mideysan ula dagaalamaan cadowga Ethopia .

I ntii ay Munaasabaddu socotay  ayaa waxaa halkaasi  lagu soo bandhigay muuqaalo naxdin leh oo muujinaya tacadiyada ay E thopia u geysatay shacabka aanan waxba galabsan  ee Ogadenia , waxaana run ahaantii la ooyay  gebi ahaan dadkii kusugnaa goobta.

Shirkani ayaa kusoo aadaya xilli ay  dhawaanahan ay qolo kasocota wayaanaha ay ku fashilmeen shirar ay ku qaban lahaayeen  magaalada Nairobi iyaga oo ceeb iyo fashil kadib isaga cararay , waxaana  lasocday  tallaabo kasto oo ay qaadaan  qaar kamid ah  jabhadda xoreynta Ogadenia .

DSC03630 DSC03598 DSC03599 DSC03600 DSC03603 DSC03605

________________________________________

CONTACT US

One Response to Jaaliyadda Ogadenia ee Bariga Afrika oo shir ku yeeshay magaalada Nairobi ee Dalka Kenya(sawirro)

  1. Jamaame.com waa shabakad madax bannaan dhexdhexaad ah.

    Tuesday, February 12, 2013

    10/02/2013 SOMALIA IYO CAALAMKA

    Maamulka Gobolka Shabeellada Hoose, ma cadaalad baa mise!!!?

    Calankeygiyow ha dhicin ha dheellinin, jiroo joog weligaa-UDUBLAND

    ka dib markuu socdaal gaaban ku tegey Ra’iisul wasaare Saacid gobolka shabeelada Hoose, waxuu ku dhawaaqey inuu jagadii ka qaadey Guddoomiyahii Gobolka, isla goobtaasina waxuu ka caddeeyey inay beelaha dego gobolka ay soo dhistaan oo soo gudbiyaan Guddomiyaha ay doonayaan,.

    waxaa goobtaani kusoo gudbineynaa cadaaladda markii horey ka jirtey gobokla sida ay ahayd , oo welina ay tahay maa daama uu madaxweynaha mar hore ku dhawaaqey inuusan dadkii horey maamulka u haayey aan laga qaadi doonin, haddaba Mudane Madaxweyne, waxaad caddeysey in cadaaladda halka ay ka dhimantahay sideeda lagu wodi doono, oo ah, kii dulmanaa inuu sii dulmanaado, kii kalese, awalba cadaalad ayuu ku noolaa, ha kusii noolaado.

    waxaan intaasi raacineynaa , Guddoomiyaha xilka laga qaadey, ma ahayn, mid loo fiiriyey cadaalad, waayo waxuu ka tirsanyaay beel gobolka wax ka leh, inkastoo uusan u dhalan, Somalia, hase yeeshee gefkii kasoo yeerey ayaa keentey in laga qaado jagadiisa, hase yeeshee maamulkaan dhisan oo idil waa in dib loo habeeyaa, lagana qoda qaadaa kuwa kale ee aan meesha u dhalan laguna beddelaa , rag iyo haween u dhashey gobolka, oo woda aqoonyahanno ah.

    Si ay cadaaladduu u noqoto, mid gobollada iyo dadka u dhashey ina harkeeda u fadhiistaan, ku caweeyaan, kuna dhaanto tuntaan.

    haddaba maamulka sida tan ayuu u dhisanyahay weli,ee ma cadaalad baa adinkaana idin dhiibanye, mudanayaal, Madaxweyne, Ra’iisul wasaare, Guddoomiyer Barlamaan,wasiirro, xildhibanno.:-

    Masuuliyiinta Maamulka hada kadhisan shabeelada hoose iyo beelaha ay kasoo kala jeedaan iyo Deegaanadooda

    1- C/qaadir Sh. Maxamed Nuur (Garre/ Digil ) Guddoomiyaha Gobalka(waa laga joogiyay shaqada)

    2- C/laahi Muuse Abuukar (Gacal-adeer-sacad-Biimaal) Guddoomiye kuxigeenka Siyaasadda

    3- Axmad Cumar Max’d (Ceyr, H/gidir, Hawiye) Guriceel Guddoomiye kuxigeenka Nabadgelyada!!

    4- C/fataax C/lahi Yuusuf (5-ta Calemood/Digil ) Wanleweyn Guddoomiye kuxigeenka Dhaqaalaha

    5- Cumar Max’ud Cilmi (Murusade/ Hawiye) Ceelbuur Guddoomiye kuxigeenka arrimaha Bulshada!!

    6- Yuusuf Max’d Cabdi (Ceyr, H/gidir/ Hawiye) Dhuusa mareeb Guddoomiyaha Samafalka Gobalka!!

    7- Cusmaan Maxamuud (Abgaal/Hawiye) Biyo cade Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Samafalka Gobalka!!

    8- C/laahi Daahir (Murusade/Hawiye) Wabxo Guddoomiye kuxigeenka 2aad ee Samafalka Gobalka!!

    9- C/laahi Cabdi Cumar (Wacdaan/ Hawiye) Lafoole Xoghayaha Gobalka

    10- C/laahi Cabdi Faarax (Ceyr, H/gidir, Hawiye) Dhuusamareeb Agaasimaha Dhulbixinta Gobalka!!

    11- Ikraam Axmad Gacal (Murusade/Hawiye) Galhareeri Guddoomiyaha Ururka Haweenka Gobalka!!

    12- C/naasir Diini Raage (Ceyr, H/gidir, Hawiye) Guriceel isuduwaha Wasaarada Maaliyadda ee Gobalka,!!

    F.G: Ninkaan hadda waxaa lagu badaley xaaska nin Majeerteeen ah oo layiraahdo Mr. Leyloon, maadaama wasiirka cusub ee maaliyada ay yihiin qaraabo soke, Magaceeda waa Salaado Max’ed Cusmaan, waana Murusade/Hawiye!!

    13- Max’d Cali Muumin (Salemaan, H/gidir, Hawiye) Cadaado Xisaabiyaha guud ee Gobalka!!

    14- C/qaadir Faarax (Ceyr, H/gidir, Hawiye) Guriceel isuduwaha wasaaradda Beeraha!!

    15- Cabdi Yare (Ceyr, H/gidir, Hawiye) Guriceel Maareeyaha Dhulbixinta Gobalka.!!

    Jagooyikaan badankood waa kuwo Macmal ah balse lagu doonayo in lagu dhaco hantida Dadka Masaakiinta ah, badankood waxay wataan Maleeshiyo Beeshooda ah waxaana jidadka ay dhigtaan isbaarooyin, Dumarkana waa Kufsadaan marka laga reebo afarta mas,uul ee gobolka kasoo jeedo oo aan maleeshiyo beeleed xataa wadan waxna aysan gacanta ugu jirin .!!!

    Bal fiiri habka qeybsashada, oo sida tan u dhacday, amase u sameysan,una baahan in la woda beddelo si degdeg ah, laguna bedello dad u dhashey gobolka:-

    1- (5) Xubnood, beesha Ceyr, Habargidir
    2- (4) Xubnood, beesha Murusade
    3- (2) Xubnood, beesha Digil
    4- (1) Xubin , beesha Saleemaan
    5- (1) Xubin , beesha Abgaal
    6- (1) Xubin , beesha Wacdaan
    7- (1) Xubin , beesha Biimaal

    Dhanka kale bal aan u fiirinno sida tan:-
    a- (6) Xubnood, HabarGidir, waa mooryaantii gobolka dhiiggiisa dhuuqdey, waxaase ka daran, bal fiiri..
    b- (12) Xubnood, Hawiye , taasi waa cadaaladda ka jirtey, ee madaxweynaha uu yiri kama qaadidoonno jagooyinkooda, intii horey u haaysey maamul.
    c- (1) Garre
    d- (1) 5ta Calleemood
    e- (1) Biimaal

    Maamulkaasi sida ad ka aragtaan waxuu ahaa mid keli 4 xubnood, ay u dhasheen gobolka , inta kalese ay u dhasheen gobollo kale, saa darteed, waxaa maanta loo fadhiyaa, Salaadiinta, Culumada, Ugaasyada Milaayqada, Odey dhaqameedka, Xildhibaannada u dhashey gobolka inay dowladda u gudbiyaan, xubno u dhashey gobolka oo aan ahayn ku dhashey, isla markaana ay daba joogsadaan dowladda sidii ay cadaalad ku fali lahayd, haddiise taasi la waayo , arrintu waxay ahaaneysaa, qanjo ka guur ee goon u guur.

    saa oo kale waa in ciidanka nabadgelyada u woda dhashaan gpbolka, si ay amaanka u sugaan, saa oo kale jagooyinka gobolka oo idil ay ka safnaadaan dadka gobolka u dhashey ee aan ahayn koytada, sida ka jirto, caasimadda Soomaaliya oo dadka oo idil u dhaxayso, waxaa 18ka degmo maamulkooda loo dhiibey, dadka u dhashey ma ahee, waa hal beel halka ay dadka kale waxba meesha ku yeelan.

    Dowladda waa federaal ee ma ahan mid ku saleysan juujuub, iyo maamul kor iskaga keenid, haddiise aysan dhicin, waxaa hubaal ah inay irrintu u dhamaaneyso, dowladda maanta jirtey, mid ah waxba kama jireen, si taasi looga baxsado waa inay jirtaa cadaalad, qof walbana uu maamulo gobolkiisa oo ah gurigiisa u gaarka ah.

    Maamulka Gobolka Shabeellada Hoose.. Ma cadaalad buu ku dhisnaa mise !!!? .

    Xafiiska Shabakada Jammaame.com
    Yurub.

    cabdullahi cali - February 13, 2013
    01:03
    Reply

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>