Kooxda Banadir SC oo dhisaneysa Garoon Cows Leh (Sawirro)

Filed under: Ciyaaraha,Wararka |

Banaadir SC6

Masuuliyiin ka tirsan kooxda kubadda cagta ee Banaadir Sports Club oo ka mid ah kooxaha heerka koowaad ee dalka Soomaaliya, ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya kulan kula yeeshay Masuuliyiin ka socotay shirkadda Greenfiels ee qaabilsan dhigidda Cowska aan dabiiciga aheyn garoomada kubadda cagta.

Xoghayaha guud ee kooxda Banaadir SC, Abuukar Max’ed Sheekh, oo kulan dheer la qaatay Sophocles oo ahaa kabiirka ka socday shirkaddan, ayaa sheegay in ay ka wada hadleen sidii garoon ay dhisaneyso kooxda Banaadir SC loogu gogli lahaa Cowska Aartifishalka ah.

“Waxa ay inoo ballan qaadeen in ay nala galayaan heshiis aynu ku dhisaneyno garoon casri ah, waxaana ku ballanay ballanay in bisha March kulan kale yeelano” ayuu yiri Abuukar Max’ed Sheekh.

Shirkaddan oo laga leeyahay dalka Holland ayaa ah shirkadda dhigtay Cowska Aaritifishalka ah garoonka Banadir Stadium ee magaalada Muqdisho.

C/salan Xasan Daa’uud oo ah Khabiir dhinaca Isboortiga ah, oo kulanka labada dhinac ka qeyb galay ayaa saxaafadda u sheegay in tallaabada ay kooxda Banaadir SC ku dhisaneyso garoon casri ah oo Cows leh, ay tahay mid muhiim ah oo loo baahan yahay xilligan.

Waxa uu ugu baaqay dhammaan kooxaha heerka koowaad ee dalka Soomaaliya in ay tallaabo nuucaan oo kale ah qaadaan, si horumar muuqda uu u gaaro Isbooriga dalka mustaqbalka dhow.

Kooxda Banadir Sports Club oo horey loogu yaqaanay “Banaadir Telecom” ayaa xilli-ciyaareedkii dhammaaday ku guuleysatay koobka General Daa’uud, iyadoo horyaalka heerka koowaad ka gashay kaalinta afaraad.

 

by, Ibrahim gedow Awale (Biibbo), tifaftiraha Somgoal, injineerka3@hotmail.com 

Daawo Sawirrada

Banaadir SC1 Banaadir SC3 Banaadir SC4 Banaadir SC6

CONTACT US

One Response to Kooxda Banadir SC oo dhisaneysa Garoon Cows Leh (Sawirro)

  1. Jamaame.com waa shabakad madax bannaan dhexdhexaad ah.

    Tuesday, February 12, 2013

    10/02/2013 SOMALIA IYO CAALAMKA

    Maamulka Gobolka Shabeellada Hoose, ma cadaalad baa mise!!!?

    Calankeygiyow ha dhicin ha dheellinin, jiroo joog weligaa-UDUBLAND

    ka dib markuu socdaal gaaban ku tegey Ra’iisul wasaare Saacid gobolka shabeelada Hoose, waxuu ku dhawaaqey inuu jagadii ka qaadey Guddoomiyahii Gobolka, isla goobtaasina waxuu ka caddeeyey inay beelaha dego gobolka ay soo dhistaan oo soo gudbiyaan Guddomiyaha ay doonayaan,.

    waxaa goobtaani kusoo gudbineynaa cadaaladda markii horey ka jirtey gobokla sida ay ahayd , oo welina ay tahay maa daama uu madaxweynaha mar hore ku dhawaaqey inuusan dadkii horey maamulka u haayey aan laga qaadi doonin, haddaba Mudane Madaxweyne, waxaad caddeysey in cadaaladda halka ay ka dhimantahay sideeda lagu wodi doono, oo ah, kii dulmanaa inuu sii dulmanaado, kii kalese, awalba cadaalad ayuu ku noolaa, ha kusii noolaado.

    waxaan intaasi raacineynaa , Guddoomiyaha xilka laga qaadey, ma ahayn, mid loo fiiriyey cadaalad, waayo waxuu ka tirsanyaay beel gobolka wax ka leh, inkastoo uusan u dhalan, Somalia, hase yeeshee gefkii kasoo yeerey ayaa keentey in laga qaado jagadiisa, hase yeeshee maamulkaan dhisan oo idil waa in dib loo habeeyaa, lagana qoda qaadaa kuwa kale ee aan meesha u dhalan laguna beddelaa , rag iyo haween u dhashey gobolka, oo woda aqoonyahanno ah.

    Si ay cadaaladduu u noqoto, mid gobollada iyo dadka u dhashey ina harkeeda u fadhiistaan, ku caweeyaan, kuna dhaanto tuntaan.

    haddaba maamulka sida tan ayuu u dhisanyahay weli,ee ma cadaalad baa adinkaana idin dhiibanye, mudanayaal, Madaxweyne, Ra’iisul wasaare, Guddoomiyer Barlamaan,wasiirro, xildhibanno.:-

    Masuuliyiinta Maamulka hada kadhisan shabeelada hoose iyo beelaha ay kasoo kala jeedaan iyo Deegaanadooda

    1- C/qaadir Sh. Maxamed Nuur (Garre/ Digil ) Guddoomiyaha Gobalka(waa laga joogiyay shaqada)

    2- C/laahi Muuse Abuukar (Gacal-adeer-sacad-Biimaal) Guddoomiye kuxigeenka Siyaasadda

    3- Axmad Cumar Max’d (Ceyr, H/gidir, Hawiye) Guriceel Guddoomiye kuxigeenka Nabadgelyada!!

    4- C/fataax C/lahi Yuusuf (5-ta Calemood/Digil ) Wanleweyn Guddoomiye kuxigeenka Dhaqaalaha

    5- Cumar Max’ud Cilmi (Murusade/ Hawiye) Ceelbuur Guddoomiye kuxigeenka arrimaha Bulshada!!

    6- Yuusuf Max’d Cabdi (Ceyr, H/gidir/ Hawiye) Dhuusa mareeb Guddoomiyaha Samafalka Gobalka!!

    7- Cusmaan Maxamuud (Abgaal/Hawiye) Biyo cade Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Samafalka Gobalka!!

    8- C/laahi Daahir (Murusade/Hawiye) Wabxo Guddoomiye kuxigeenka 2aad ee Samafalka Gobalka!!

    9- C/laahi Cabdi Cumar (Wacdaan/ Hawiye) Lafoole Xoghayaha Gobalka

    10- C/laahi Cabdi Faarax (Ceyr, H/gidir, Hawiye) Dhuusamareeb Agaasimaha Dhulbixinta Gobalka!!

    11- Ikraam Axmad Gacal (Murusade/Hawiye) Galhareeri Guddoomiyaha Ururka Haweenka Gobalka!!

    12- C/naasir Diini Raage (Ceyr, H/gidir, Hawiye) Guriceel isuduwaha Wasaarada Maaliyadda ee Gobalka,!!

    F.G: Ninkaan hadda waxaa lagu badaley xaaska nin Majeerteeen ah oo layiraahdo Mr. Leyloon, maadaama wasiirka cusub ee maaliyada ay yihiin qaraabo soke, Magaceeda waa Salaado Max’ed Cusmaan, waana Murusade/Hawiye!!

    13- Max’d Cali Muumin (Salemaan, H/gidir, Hawiye) Cadaado Xisaabiyaha guud ee Gobalka!!

    14- C/qaadir Faarax (Ceyr, H/gidir, Hawiye) Guriceel isuduwaha wasaaradda Beeraha!!

    15- Cabdi Yare (Ceyr, H/gidir, Hawiye) Guriceel Maareeyaha Dhulbixinta Gobalka.!!

    Jagooyikaan badankood waa kuwo Macmal ah balse lagu doonayo in lagu dhaco hantida Dadka Masaakiinta ah, badankood waxay wataan Maleeshiyo Beeshooda ah waxaana jidadka ay dhigtaan isbaarooyin, Dumarkana waa Kufsadaan marka laga reebo afarta mas,uul ee gobolka kasoo jeedo oo aan maleeshiyo beeleed xataa wadan waxna aysan gacanta ugu jirin .!!!

    Bal fiiri habka qeybsashada, oo sida tan u dhacday, amase u sameysan,una baahan in la woda beddelo si degdeg ah, laguna bedello dad u dhashey gobolka:-

    1- (5) Xubnood, beesha Ceyr, Habargidir
    2- (4) Xubnood, beesha Murusade
    3- (2) Xubnood, beesha Digil
    4- (1) Xubin , beesha Saleemaan
    5- (1) Xubin , beesha Abgaal
    6- (1) Xubin , beesha Wacdaan
    7- (1) Xubin , beesha Biimaal

    Dhanka kale bal aan u fiirinno sida tan:-
    a- (6) Xubnood, HabarGidir, waa mooryaantii gobolka dhiiggiisa dhuuqdey, waxaase ka daran, bal fiiri..
    b- (12) Xubnood, Hawiye , taasi waa cadaaladda ka jirtey, ee madaxweynaha uu yiri kama qaadidoonno jagooyinkooda, intii horey u haaysey maamul.
    c- (1) Garre
    d- (1) 5ta Calleemood
    e- (1) Biimaal

    Maamulkaasi sida ad ka aragtaan waxuu ahaa mid keli 4 xubnood, ay u dhasheen gobolka , inta kalese ay u dhasheen gobollo kale, saa darteed, waxaa maanta loo fadhiyaa, Salaadiinta, Culumada, Ugaasyada Milaayqada, Odey dhaqameedka, Xildhibaannada u dhashey gobolka inay dowladda u gudbiyaan, xubno u dhashey gobolka oo aan ahayn ku dhashey, isla markaana ay daba joogsadaan dowladda sidii ay cadaalad ku fali lahayd, haddiise taasi la waayo , arrintu waxay ahaaneysaa, qanjo ka guur ee goon u guur.

    saa oo kale waa in ciidanka nabadgelyada u woda dhashaan gpbolka, si ay amaanka u sugaan, saa oo kale jagooyinka gobolka oo idil ay ka safnaadaan dadka gobolka u dhashey ee aan ahayn koytada, sida ka jirto, caasimadda Soomaaliya oo dadka oo idil u dhaxayso, waxaa 18ka degmo maamulkooda loo dhiibey, dadka u dhashey ma ahee, waa hal beel halka ay dadka kale waxba meesha ku yeelan.

    Dowladda waa federaal ee ma ahan mid ku saleysan juujuub, iyo maamul kor iskaga keenid, haddiise aysan dhicin, waxaa hubaal ah inay irrintu u dhamaaneyso, dowladda maanta jirtey, mid ah waxba kama jireen, si taasi looga baxsado waa inay jirtaa cadaalad, qof walbana uu maamulo gobolkiisa oo ah gurigiisa u gaarka ah.

    Maamulka Gobolka Shabeellada Hoose.. Ma cadaalad buu ku dhisnaa mise !!!? .

    Xafiiska Shabakada Jammaame.com
    Yurub.

    cabdullahi cali - February 13, 2013
    01:01
    Reply

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>